Daawo Sawirrada Saddex Ka Tirsan Maleeshiyaadka Jubbaland oo Isku Soo Dhiibay Mujaahidiinta.

Shalay gallinkii dambe waxa magaalada Jilib ee wilaayada jubbooyinka lagu soo bandhigay saddex askari oo hore uga tirsanaan jiray maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee ku sugan saldhigga ciidamada Buulogaduud, saddexdan askari ayaa iyagoo qoryahooda wata kasoo baxsaday xerada iskuna soo dhiibay Mujaahidiinta Alshabaab.

Tan iyo intii la keenay maleeshiyaadkan Buulogaduud waxay fursad u heleen inay si raxan raxan ah ugu soo goostaan dhanka Mujaahidiinta maadaama ay sheegeen inay raadinayeen in badan sidii ay kusoo goosan lahaayeen, keenitaanka la keenay Buulogaduudna ay fursad u noqotay, intooda baddana waxay sheegaan in si xoog ah lagu ciidameeyay.

Daawo sawirrada.