Dibad baxyo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Mar Kale Kenya Ka Dhacay Iyo Meydad Laga Helay Nayrobi(Sawirro).

Wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in shalay magaaladaasi ay ka dhaceen dibad bax wato rabshado xoog leh oo ay dhigayeen dhacabka taageersan kooxaha mucaaradka waddanka.

Dibad baxyadan ayaa waxay ka dambeeyeen ayaa la sheegayaa kadib markii waddo ku taalla Nayroobi laga helay meydadka 4 qof oo aan la garaneynin cidda dishay kuwaasoo booliska uu goobta ka qaaday mar dambe.

Dadka oo ka cabanaya dilkaasi aan la ogeyn cidda geysatay ayaa dhigay dibad baxyo iyagoo wata baangado dhagxaan iyo waxyaabo kale,ciidanka booliska ayaa isku dayay inuu kala ceyriyo laakiin wey u suura gali weyday.

CIidanka Booliska ayaa intaasi kadib waxay u adeegsadeen dibad baxayaasha rasaasta nool nool  taasoo sababtay in 23 qof ay ku dhaawacmaan halka sidoo kalena ay ku dhimatay gabar yar oo gurigooda ay ugu tagtay rasaasta.

Xaaladda magaalada ayaa shalay oo dhan qasneyd waxaa markii dambey dibad baxayaasha la hadlay hoggaamiyaha mucaaradka oo dajiyay uguna baaqay ciidanka booliska inay joojiyaan gacanta adag ee ay u adeegsanayaan bulshada dibad baxaysa.

432 total views, 1 views today

Comments are closed.