Sawiro Ciidamada Marayknaka Oo Caruur Dugsi Quraan Dhiganayay Ku Laayay Dalka Afqaanistaan.

Howlgal habeenkii xalay ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen dalka Afqaanistaan ayaa lagu soo waramayaa iney ku laayeen caruur aad u da’ yar oo dhiganayay Quraanka Kariimka ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay kusoo degaan iyagoo Hellecoptero adeegsanaya degmada Naszakh ee gobolka Maydaan Wardak ee bartamaha dalka Afqaanistaan.

Ciidamada Maraykanka oo sida muuqatay qaab ula kac u laayay caruurta ayaa gudaha u galay dugsiga Quraanka ee degmada ku yaalay, halkaasna waxay ku dileen dhowr Arday oo aad u da’ yar kuwaas oo xilligaas ku sugnaa dugsiga.

Arintan ayaa aad looga hadal hayaa gudaha dalka muslimka ah ee Afqaanistaan, waxayna banaanka soo dhigeysaa wejiga foolxumada badan ee Maraykanka kaas oo ah dilaaga  caruurta da’da yar ee aan waxba galabsan.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xasuuqa Ardayda.

Calamada.com

580 total views, 2 views today

Comments are closed.