Faahfaahin Laga Helayo Weerar Ka Dhaay Duleedka Qoryooley.

Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa qoryooley iyo deegaanka Danow waxay sheegayaan in ciidanka ay weerar dhabba gal ah u dhigeen kolonyo infantari ah oo isugu jirta Kuffaarta Iyo Maleeshiyaadka murtadiinta.

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Gaywarrow ee u dhaxeya Qoryooley iyo Danow waxaana halkaas mujaahidiinta iyo cadowga ay ku hardamayeen in muddo ah.

Ciidankii Infantariga ayaa dib u gurtay waxayna gurmad ka raadsadeen gaadiid Afrikaanta ay leeyihiin oo kasoo baxay degmada Qoryooley.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa dhimatay 4 kalena wey dhaawacmeen iyadoo  galabta diyaarad Heli Kobtar ah ay kasoo degtay degmada Qoryooley oo qaadday dhaawacyada iyo meydadka cadowga.

Diyaarado soo caga dhigtay degmada ayaa halkaasi ka daabulay meydadka iyo dhaawacyada askarta Kufaarta AMISOM iyo kuwa Murtadiinta.

 

233 total views, 1 views today

Comments are closed.