Dagaal Markale Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen ciidamo isugu jirta Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo ku Roondeynayay gudaha degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalkan ka dhacay gudaha degmada Qoryooley waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.

Dadka degmada Waxey xaqiijiyeen in markii dagaalka muddo kooban socday gabi ahaan ay goobta dagaalka isaga carareen ciidamadii Kufaarta iyo kuwii Murtadiinta ee Roondada ka waday gudaha degmadaasi.

Sidoo kale dadka degmada waxey sheegeen iney arkeen ciidamada Mujaahidiinta oo ku sugan gudaha degmada kuna Roondeynayo xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Calamada.com

432 total views, 1 views today

Comments are closed.