Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Ku Noqdeen Askarta Puntland.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi qarax culus lagula beegsaday maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.

Qaraxa oo dhacay maanta Barqadii ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Puntland waxa uu gaariga Cabdi Bilaha taagnaay Bar-controol.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso,iyadoona ay sii kordheyso khasaaraha maamulka Ashahaado la dirirka Puntland lagu gaarsiiyay qaraxaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland laguna dhaawacay Sideed askari oo isla maleeshiyaatka Puntland ah.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan magaaalada Boosaaso iyo guud ahaan dhulka uu ka arimiyo maamulka dowalda Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland.

Calamada.com

220 total views, 1 views today

Comments are closed.