Dhageyso Barnaamijka Booqashada Andalus Iyo Deegaanka Caga Cadde Ee Galgaduud.

Barnaamijka Booqashada Andalus waa Barnaamij Todobaadle ah oo ka baxa Idaacada Islaamiga ah ee Andalus Maalinta Jimacaha,barnaamijka waxaa todobaad walbo lagu booqdaa Magaalada ama degmada ama deegaanka ama goobta xilligaasi la isdhihi karo waa muhiim booqashadeeda.

Maanta oo Jimco ah oo ay Taariikhud ku beegantahay 13-bisha Rabiicul Awal-Sanadka-1439 Hijri Idaacada Islaamiga ah ee Andalus waxey barnaamijka Booqashada Andalus ku booqatay oo ay kusoo gudbisay Booqasho ay ku tagtay deegaanka Caga Cadde oo ah deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobalka Galgaduud,waxeyna Andalus Booqashadan xooga ku saartay Taariikhda,Ganacsiga,Cimilada,Tacabka Beeraha iyo Heerka Waxbarashada deegaanka Caga Cadde.

Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Booqashada Andalus.

Calamada.com

516 total views, 2 views today

Comments are closed.