Wadooyinka Muqdisho Oo Maalintii Labaad Xiran.

Maleeshiyaatka dowlada Farmaajo waxey gabi ahaan maalintii Labaad xireen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makkah-almukaramah,Wadnaha,wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdsiho,Wadada isku xirta Muqisho Iyo Ceelasha Biyaha iyo waddooyin kale oo aad u muhiimsan.

Inta badan waxaa  hakad galay adeegyadii Bulshada ee ku yaalay ama loo marayay wadooyinka xiran sida Waxbarashadii,Ganacsigii,Caafimaadka iyo adeegyo kale oo bulshada Muhiim u ahaa.

Sidoo kale maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa shisheeyaha ayaa raaf xoogan ka wada wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxeyna qabqabteen dad fara badan oo shacab ah.

Dadka shacabka ayaa cagahooda maalaya,iyadoona arintan ay qeb ka tahay dhibaatooyinka dowlada Ridada iyo Kufaarta Afrikanta ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

138 total views, 2 views today