Dalxiisayaal Reer Galbeed Ah Oo Lagu Weeraray Gudaha Dalka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay muwaadin kasoo jeeda wadanka Jarmalka ee qaaradda Yurub.

Warbaahinta maxaalliga ah ayaa xaqiijisay in kooxo hubeysan oo kasoo xaluushay xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Ereteria ay weerar ku qaadeen dad dalxiisayaal ah waxaana dhintay hal qof mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray.

Weerarka ayaa ka dhacay Gobolka ay degto qowmiyadda Cafarta Itoobiya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xilligii weerarku dhacayay ay dalxiisayaashu daawanayeen dhul buura ah oo folkaano ka qarxaysay.

Muwaadin dalxiise Jarmal ah ayaa Meydkiisa goobta lagasoo qaaday halka dhaawac uu soo gaaray Nin Daliil itoobiyaan ah oo dalxiisayaasha reer galbeedka jid aqoon u ah.

Goobta weerarku ka dhacay muddo 20 sanadood ah waxaa ka mamnuuc ahaa safarka sababa la xiriira iyadoo ah goob dagaal oo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ereteria isku hor fadhiyeen.

Rasaas iyo qaraxyo is xigxigay ayaa laga maqlay goobta weerarku ka dhacay balse dowladda Itoobiya ayaa diiday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiso wixii dhacay.

196 total views, 1 views today