Diyaadaha Mareykanka Oo Markale Dad Shacab Ah Ku Laayay Sh/hoose.

Waxaa goordhow diyaaradaha Maraykanka si ula kac ah u duqeeyeen deegaan hoosyimaada magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

Diyaarad drone ah ayaa dhowr gantaal waxay la dhacday xoolo dhaqato shacab ah oo ku sugnaa duleedka deegaanka Farsooley oo kamid ah deegaannada hoos yimaada magaalada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeyntaan diyaaradaha Saliibiyada Mareykanka ay ka geysteen duleedka deegaanka Farsooley waxaa ku dhintay Todobo ruux oo oo Xoolo dhaqato ah halka Saddex kalena ay dhaawacyo soo gaareen kuwaasi oo iyaguna la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa si ula kac ah waxay u duqeeyeen dadkan oo ay banaanka tiilay iney ahaayeen xoolo dhaqato masaakiin ah, waxaana halkaas ku kala yaacay xoolihii ay dadkan ay dhaqanayeen oo qudhooda ay macquul tahay iney wax soo gaareen.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradaha Maraykanka duqeyn ay ka geysteen deegaanka Daaru-Salaam ay ku dileen dhowr ruux oo beeralay ahaa,waxaa ka sii horeysay Tobankii ruux ee Beeraleyda aheed ee sidoo kale ciidamada Saliibiyadda Mareykanku ay ku laayeen deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

 

285 total views, 2 views today