Askari Ka Tirsan Dowlada Oo Askari Kale U Dilay Sigaar Dartiis.

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay dil uu geystay askari ka tirsan dowlada Ridada.

Askariga dilka geystay ayaa si bareer ah u dilay askari kale oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kadib markii Labadaasi askari ay ku wada murmeen Hal Xabo oo Sigaar ah oo askari walbo uu sheegtay inuu isaga leeyahay sigaarkaasi.

Muran dheer kadib waxaa goobta si bareer ah loogu dilay askarigii Labaad ee isagana ku doodayay inuu Xabadkaasi Sigaarka ah uu isaga leeyahay,iyadoona askarigii dilka geystay uu goobta ku cabay Xabadkii Sigaarka ahaa ee ay ku wada murmeen isaga iyo askariga uu dilay.

Dhanka kale maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada ayaa ku dagaalamay gudaha degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir kadib markii muran xoogan uu soo kala dhax galay saraakiisha maleeshiyaatka diriray.

Wararka laga helayo degmada Kaaraan waxey sheegayaan in maleeshiyaatka dowlada tiro askar ah isaga dileen tiro kalane isaga dhaawaceen iska hor,imaadkaasi.

Sidoo kale iska hor,imaadka maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ku dhexmaray Kaaraan waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ah oo qeyb ka ah bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhex dooda dagaalamaan oo mar walbo ay iska dilaan tiro askar iyo saraakiil ah kuwaasi oo markasta dhexdooda dirira kadib markii ay ku wada murmaan qeybsiga Maandooriyaha qeybihiisa kala duwan,qeybsiga Lacagaha Baada ah ee ay ka qaadaan Shacabka iyo iney diriraan iyagoo daroogeysan.

Calamada.com

229 total views, 3 views today