Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Gobalka Bari.

Wararka ka imaanaya gobalka Bari waxey sheegayaan in deegaan ka tirsan gobalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Dilkan waxaa loo geystay gudoomiye ku xigeenkii maamulka gaala raaca Puntland ugu magacownaay deegaanka Xaafuun oo ka tirsan gobalka Bari,iyadoona faahfaahin laga helayo dilkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamuud Muuse waxaa dilay oo si bareer ah rasaas ugu furay taliyaha maleeshiyaatka maamulka Puntland ee deegaaankaasi kadib markii ay wada murmeen gudoomiyaha uu dilay.

Xiisad ka dhalatay dilka gudoomiye ku xigeenka ayaa ka taagan deegaanka Xaafuun waxaana suura gal ah in deegaanka uu ka qarxo dagaal dhex mara maleeshiyaatka maamulka Puntland ee ku sugan deegaankaasi.

Calamada.com

196 total views, 1 views today