Qaraxyo Ka Kala Dhacay Gedo Iyo Shabeelada Hoose.

Qaraxyo ka kala dhacay degmooyin ka kala tirsan gobalada Gedo iyo Shabeelada hoose ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada

Qaraxa Kowaad oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Miinada ayaa lagu aasay goob maalin walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan gudaha degmada Garbahaarey xilliga qaraxa waxaa goobta fadhiyay tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada.

Goob-jooga ka agdhawaa goobta qaraxa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu arkay Labo askari oo ku dhaawacantay qaraxa waxaana suura gal ah in khasaaraha uu intaasi ka sii bato.

Qaraxa Labaad oo isagana khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowlada Ridada waxa uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Calamada.com

277 total views, 2 views today