Daawo Isu Soo Baxyo Lagu Difaacayo Magaalada Al-qudus Oo Ka Dhacay Caalamka.

Inta badan Wadamada Caalamka oo ay ugu horeeyaan Caalamul Islaami waxaa kadib dukashadii Salaada Jimcaha ka bilowday isu soo baxyo xoogan oo lagu difaacayo magaalada Qudus oo dhawaan uu sheegay gaalka Hogaamiya Saliibiyadda Mareykanka inuu u aqoonsaday caasimada maamulka Yahuuda.

Guud ahaan Malaayiinta Muslimiinta ee isugu soo baxay fagaarayaasha Caalamka ayaa si weyn uga carooday hadalkii dhawaan kasoo yeeray Axmaqa Mareykanka hogaamiya,waxeyna dadkaasi inta badan gubayeen Sawirada Calanka iyo madaxda maamulka Mareykanka iyo Yahuuda.

Wadamada ay ka dhaceen isu soo baxyada ugu xoogan waxaa ka mid ah Suuriya,Masar,Tuunis,Malesiya,Pakistan,Indonesia,Urdun.Lubnaan iyo dalal kale oo caalamka ah.

Sidoo kale Boqolaal ruux oo Muslimiin ah ayaa isagu soo baxay fagaaraha kasoo horjeeda aqalka Cad ee Mareykanka halkaasi oo ay ku dukadeen Salaada Jimacaha waxeyna halkaasi kusoo bandhigeen sida ay uga soo horjeedaan go,aanka Madaxweynaah dowlada Saliibiyadda Mareykanka ee ahaa inuu magaalada Al-qudus u aqoonsaday iney caasimad u tahay maamulka Yahuuda.

Dhanka kale Maamulka Aala Salool ee ka arimiyo dhulka Xaremeynka ayaa gabi ahaan dadka Muslimiinta ee ku dhaqan dhulkaasi u diiday iney isugu soo baxaan fagaarayaasha iyo wadooyinka oo ay dhigaan isu soo baxyo ay ku difaacayaan Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa iyo guud ahaan dhulka Muslimiinta Falistiin kadib amar kasoo baxay maamulka Aala Sacuud.

Halkan Hoose Ka Daawo Isu Soo Baxyada Caalamka Ka Dhacay.

Calamada.com

 

476 total views, 1 views today

Comments are closed.