Sawirro: Iska Hor’imaadyo U Dhaxeeya Ciidamada Yahuudda iyo Shacabka Falasdiin Oo Weli Ka Socda Magaalada Qudus.

Isku dhacdyo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda iyo shacabka Falasdiiniyiinta ayaa wali ka socda magaalada Qudus iyo deegaannada ku dhow.
Wararka ka imaanaya dhulalka Filasdiin waxay sheegayaan in dibad baxyo rabshado wata ay wali ka socdaan in ka badan 10 magaalo oo gacanta ixtilaalka kujira.

Kumanaan dhalinyara ah ayaa dagaal gacmaha layskula tagay magaalooyinka Qudus iyo Alkhaliil kula galay ciidamada Yahuudda sida ay faafisay Shabakadda Qudus Press.

15 qof oo ay kamid yihiin ciidamo Boolis Yahuud ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen iska hor’imaadyo ka dhacay waqooyiga magaalada Albiirah.

Dhinaca kale xoogaga muqaawamada magaalada Ghaza ayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan weerarkii duqeynta ahaa ee ciidamada Yahuudu ay maalmo ka hor ku qaadeen Jiidda Ghaza.

Bayaan kasoo baxay Katiibada Cizudin alqassaam ayay ku sheegtay in si adag ay uga jawaab celin doonto dilkii loo geystay 4 kamid ah dagaalyahanada Muqaawamada oo ku shahiiday duqeyn Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday Ghaza.

Muslimiinta Filasdiin ayaa wali wado intifaaddo ay ugasoo horjeedaan go’aankii Arbacadii lasoo dhaafay kasoo baxay Donald Trump ee magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahudda.

https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/
https://pbs.twimg.com/media/

502 total views, 2 views today

Comments are closed.