Sawirro+Warbixin: Mashruuc Biyo Gelin Oo Ay Ku Baxday $94,500 oo Laga Hirgaliyay Jilib

Munaasabad lagu soo bandhigayay gunaanadka mashruuc biyo galin oo loogu magac daray Al-aqsaa ayaa waxa kasoo qeyb galay marti sharaf kala duwan odoyaasha iyo salaadiinta deegaanka, masuuliyinta wilaayada Jubooyinka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Jilib.

Mashruucan oo soo socday mudo kudhow sagaal bilood ayaa soo maray dhowr marxaladood oo kala duwan marxalada koowaad ayaa lagu guuleystay in lagu qodo ceel biyood laguna dhiso barkad weyn oo biyaha lagu keydiyo taas oo qaadi karta 1300 oo fuusto oo biyo ah, waxaana ku baxay qarash dhan 47,500 oo lacagta dolarka ah.

Marxaladda labaad ee mashruuca ayaa aheyd dalabka tuumbooyin nadiif ah iyo qalabka biyaha si looga gudbo biyo yari iyo ciriirigii horey loo qabay.

Marxalada seddexaad ee mashruuca biyo galinta Al aqsaa waxa ay aheyd biyo galinta xaafadaha degmada Jilib oo iyana muddo soo socotay waxaa ilaa hada lagu guuleystay in biyaha la galiyo 1600 oo guri walina mashruuca wuu socdaa.

Isku geynta qarashka guud ee kubaxay mashruucan biyo galinta ah waxaa uu dhan yahay 94,500 oo doolar.

Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay Injineerkii gacanta ku hayay dhismaha barkadda waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka loo dhisay iyo waxqbadkeeda

Sidoo kale qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo salaadiinta deegaanka ayaa iyaguna ka hadlay hormarka ay ku tilaabsatay degmada Jilib, farqiga u dhexeeya xiligii hore iyo hadda iyo waxqabadka maamulka islaamiga ah ee wilaayada jubooyinka,

Kheekh Maxamed Abh Cabdallah waaliga wilaayada Jubooyinka oo xafladda ka qeyb galay ayaa dhankiisa sheegay in horumar la taaban karo ay tiigsaneyso degmada Jilib waxaana uu ka sheekeyay biyaha nadiifka ah ee hada ay heystaan bulshada kudhaqan degmada jilib.

Si kastaba ha ahaatee maamulka islaamiga ah ee wilaayada Jubooyinka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn ugu mashquulsanaa wax qabad kala duwan oo loo fidinayay bulshada kuwaasi oo ay kamid yihiin dayactiro lagu waday kannaalo duugmay iyo qodista faro biyaha wabiga qaada, waxana ugu dambeeyay mashaariicdaasi midkan biyo galinta ee wilaayada ay ka hirgalisay degmada jilib

Goobta ay xaflada ka dhaceysay waxaa lagu soo bandhigay Matooro iyo Qalabka qorraxda ku shaqeeeya ee Solarka oo ka shaqeysiiya Daynabada biyaha ceelka kasoo saarta, iyadoona isla goobta lagu tijaabiyay qaar ka mid ah tuumbooyinka biyaha barkadda kasoo dajiya kuwaasi oo si xowli ah biyaha u tuurayay.

Mashruucan ayaa wuxuu daliil u yahay wax qabadka Mujaahidiinta ee dhanka bulshada, iyadoo dagaal adag oo Jihaad ah lagula jiro cadowga soo duulay ayaa hadana gacanta kale loogu adeegayaa shacabka Muslimiinta ah ee ku nool wilaayaadka.

Dhageyso Warbixinta Andalus ay ka diyaarisay Mashruuca.

Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

 

 

 
Xigasho: Radioandalus24.com

683 total views, 2 views today

Comments are closed.