Video: Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Oo Ku Hanjabay in Ay Weerarayaan Saldhigga Dowladda Imaaraatka Carabta Ee Magaalada Berbera.

Video cusub oo ay soo duubeen Maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama Wadanka Yemen ayey uga hadleen saldhigga Melleteri ee dowladda Imaaraatka Carabta dhowaan ka furanayso magaalada Berbera ee waqooyi galbeed dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo wajiyadu uduubanyihiin ayaa farriin adag oo Hanjabaad ah u diray maamulka isku magacaaban Somaliland kaasi oo dowladda Imaaraatka Carabta u ogolaaday in saldhig melleteri ay ka furan karto Berbera.

Xoogaga Xuuthiyiinta waxay ku hanjabeen in sawaariikhda casriga ah ee qaaradaha isaga kala gooshta ay ku weerari doonaan magaalada Berbera waxayna ugu baaqeen shacabka ku nool deegaannada ‘Somaliland’ in ay ka dhiidhiyaan tallaabada xukuumadoodu ku marti gelisay dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah xulufada wadanka Yemen kula dagaallamaysa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageera melleteri ka helaya Iiraan.

Bishii November 2017 ayay Xuuthiyiintu sawaariikh ku duqeeyeen garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid ee Magaalada Riyadh halka December 2017 bartamaheedii ay saaruukh kale ku weerareen Qasriga Yamaamah ee magaalada Riyadh.

Halkan ka degso Video-ga ama Hoos Ka Daawo

540 total views, 3 views today

Comments are closed.