Video: Qaar Kamid Ah Shacabka Sacuudiga Oo Bilaabay in Ay Shabakadaha Internetka Ka Tuugsadaan iyo Bin Salmaan Oo Tallaabooyin Hor leh Qaaday.

Wadanka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee soo saara shidaalka caalamka laga isticmaalo dadkiisu 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay waxay ku noolaayeen Barawaaqo balse hadda xaalku waa isbedelay.
Kumanaan qof oo ku nool dalka Sacuudiga ayaa ka sheeganaya Faqri iyo Nolol xumo kadib markii dhaqaalaha waddanka hoos udhacay waana dhibaato Bani’aadamku gacmihiisa ku sameystay oo waxaa jira boob lagu hayo hantida dadweynaha.

Max’med Bin Salmaan Dhaxal sugaha sacuudiga ayaa  lacago Balaayiin dollar ah kula saaxibay Mareykanka iyo Faransiiska, Saudi Arabia ayaa bishii May 2017 madaxweynaha Mareykanka u saxiixday lacag dhan 440 Bilyan oo dollar lacagtaas oo islamarkiiba ku dhacday gacanta Trump.

Dhaxal sugaha Aala Sacuud wuxuu qaaday howlgallo raaf ah oo uu ku xirxiray ganacsatada ugu weyn wadanka iyo amiirro horay xilal kala duwan usoo qabtay wuxuuna sii deyntooda ku xiray shuruud ah in ay bixiyaan lacago malaayiin dollar ah.

Sacuudiga waxaa hadda kajira dhaqan xumo aan wali wadanka soo marin, Boqortooyada ayaa ku dhawaaqday in ay fasaxday shaneemooyinka iyo fanka fisqiga wata taas oo ay ku macneysay in lagu raadinayo dhaqaale bedel u noqon kara kutiirsanaashiyaha shidaalka wadankaasi hodonka ku yahay.

Wasaaradda Maaliyadda waxay soo rogtay nidaam cusub oo faraya shacabka caadiga ah in ay bixiyaan lacago canshuur ah sidoo kale ganacsatada iyo guryaha ayaa laga qaadi doonaa lacago kumanaan Riyaal ah, waana markii ugu horraysay oo taariikhda canshuur lagusoo rogo muwaadiniinta Sacuudiga.

Madaxa diiwaanka Boqortooyada ayaa warbaahinta u sheegay in shaqaalaha dowladda mushaaraadka ay qaataan bil walba laga jari doono lacago canshuur ah, 45% dhaqaalaha sacuudiga ayay xukuumaddu sheegaysaa in uu kasoo xaroon doono dhanka Shaneemooyinka iyo Riwaayadaha!, waxayna dhistay tiyaatarro iyo Hoteello gaar u ah Fanka qeybihiisa kala duwan iyadoo fafaaniinta reergalbeedka iyo kuwa qaaradda Afrika ugu gacan haatisay in ay soo tiigsadaan wadanka laga bilaabo bisha janaayo 2018.

Max’med Bin Salaam oo daah furayay mashruuc dhanka ganacsiga ah ayaa ku hanjabay in uu madaxa ka jari doono waxa uu ugu yeeray islaamka Xagjirka islamarkaana uusan ogolaan doonin dib uyagleelidda dowlad la dagaallanta Yahuudda iyo Nasaarada.

Dadka Sacuudiga qaarkood waxay bilaabeen ay dawarsadaan oo Baraha Bulshada ka qeylla dhaansadaan waana arrin Fadeexo ku ah Nidaamka Aala Sacuud oo mar kamid ahaa dowladaha Caalamka ugu ghanisan, dadka qaar waxay sheegayaan in hantidoodu musallaftay islamarkaana dowladdu jartay qarashaadkii ay ku bixin jirtay adeegyada bulshada.

Halkan Ka degso ama Hoos Ka Daawo Video.

384 total views, 1 views today