Tarsan Oo Qiray In Fashil Iyo Musuqmaasuq Xoogan Ay Dhex Dabaalaneyso Dowlada Farmaajo.

Maxamuud Axmed Tarsan oo ah La taliyaha dhanka Siyaasadda madaxa dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Muxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxaladii ugu xumeyd ay mareyso dowlada Farmaajo.

Murtad Tarsan ayaa sheegay ineysan laheen hogaan lagu kalsoonaankaro sida Waziirada,Taliyaasha ciidanka,Xildhibaanada,Xeer ilaalinta iyo garsoorka dowlada Ridada waxaana uu qiray xilligaan dowlada Farmaajo ay sii daciiftay.

Sidoo kale Maxamuud Axmed Tarsan oo ah la taliyaha dhanka Siyaasadda ee dhanka Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in maamulkooda uu Kaalinta Kowaad dhan Musuqmaasuqa ka galay Caalamka waxa uu intaasi ku daray in waziirada iyo saraakiisha maamulkooda aysan laheen Cilmi iyo Xirfad Shaqo.

Hadalka Tarsan ayaa kusoo aadaya xilli fashil iyo jab xoogan ay soo wajahday dowlada Ridada iyo Kufaarta Soo Duushay,sidoo kale hadalkan waxa uu imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu sii xoogeysanayay khilaafka ka dhex taagan gudaha maamulka Farmaajo.

Halkan Ka Dhageyso Codka Maxamuud Tarsan.

Calamada.com

231 total views, 3 views today

Comments are closed.