Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga Askarta Itoobiya Ee Degmada Waajid.

Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhiga ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhowr gantaal oo ka dhaca qoriga Hoobiyaha ayaa gudaha ugu dhacay saldhiga ciidamada Itoobiya ee magaalada Waajid, waxaana markii duqeyntu billaabatay cabsi soo wajahdey ciidamada Xabashida.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay inuu ka dhashey duqeyntan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhawaan ayeey aheed markii sidoo kale Guutada Madaafiicda Ee Shabaabul Mujaahidiin tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool taasi oo sidoo kale khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay Amxaarada.

105 total views, 1 views today

Comments are closed.