Ciidamada Uganda Oo lagu Weeraray Gobalka Shabeelada Hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar  culus ku qaadeen saldhig ciidamada Kufaarta Uganda ay ka sameysteen deegaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay saldhiga iyo fariisinka ciidamada Kufaarta ay ka sameysteen deegaanka Danow,waxaa dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose,iyadoona wali si rasmi ah aan loo xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee askarta Uganda lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay habeenkii xalay Tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Calamada.com

189 total views, 1 views today

Comments are closed.