Toban Ruux American Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed.

Wararka ka imaanaya dalka Costa Rica Waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalkaasi ay ku burburtay diyaarad ay la socdeen dad American Dalxiisayaal ah.

Diyaaraddan waxey kusoo dhacday oo ay ku burburtay deegaan Buuraley ah oo dhaca dhanka Waqooy Galbeed ee dalka Costa Rica,waxaana gabi ahaan dhintay dadkii la socday diyaaradaasi.

Madaxweynaha dalka Costa Rica oo ka hadlay shilkan diyaaradeed ayaa qiray in burburka diyaaradaasi ay ku halaagsameen Toban ruux oo American ah iyo Labo Duuliye oo u dhashay dalka Costa Rica,waxeyna dadka American-ka ah ee ku baqtiyay shilkaasi diyaaraded ahaayeen dalxiisayaal.

Dhowr jeer sidan oo kale askar iyo shacab fara badan oo Saliibiyiinta Mareykanka ah ay ku dhintay shilal diyaaradeed oo waqtiyo kala duwan ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Mareykanka.

Calamada.com

122 total views, 2 views today

Comments are closed.