Faahfaahin Laga Helayo Gaari Gaashaaman Oo Lagu Gubay Gobalka Sh/hoose.

Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia.

Kolanyada qaraxa lala beegsaday waxey ku socdaalayeen wadada isku xirta degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.

Miinada ayaa haleeshay gaari gaashaaman oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Shisheeyaha Kufaarta Ah,waxeyna gabi ahaan miinada burburisay gaariga ay haleeshay.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii shisheeyaha ee lasocotay gaarigaasi ay miinada burburisay.

Calamada.com

122 total views, 1 views today

Comments are closed.