Dagaal Culus Oo Markale Ka Dhacay Qoryooley.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen mid kamida saldhigyada ciidamada Kufaarta Afrikanta uga suganyihiin gobolkaasi.

Ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhigga ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen dagaalyanno katirsan Al Shabaab oo gudaha usoo galaymagaalada, daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay deegaanno ka baxsan Qoryooley.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay qabsadeen inta badan xaafadaha degmada Qoryooley balse markii dambe ayay dib uga gurteen.

Kumanaan katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ayaa weeraro joogta noqday kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin oo 70% gacanta ku haya dhulka gobolka Sh/Hoose

175 total views, 3 views today

Comments are closed.