Dhageyso Askarta Maamulka Farmaajo Oo Mushaar La’aan Ka Cabanayo.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada ee madaxweynaha uu ka yahay Murtad Farmaajo ayaa gabi ahaan ka cabanayo Mushaar la’aan baahsan.

Maleeshiyaatka dowlada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegaya in muddo ku dhaw Toban Bilood aysan qaadan wax mushaar ah mudadaasi oo ah mudada uu jooga xilka hogaamiyaha kooxda Ridadane uu hayo Farmaajo.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada waxey carabaabeen in mushaarkii iyaga loogu tala galay ay diyaarado ku raacaan madaxda dowladooda waxeyna sidoo kale sheegeen in saraakiisha dowlada Farmaajo qaab beeleed wax isugu siiyaan.

Dhawaan ayeey aheed markii Maxamuud Axmed Tarsan oo ah la taliyaha dhanka Siyaasadda ee Farmaajo uu sheegay in gabi ahaan dowlada Farmaajo ay dhex dabaalaneyso daciifnimo iyo Musuqmaasuq xoogan.

Halkan Ka Dhageyso Calaacalka Maleeshiyaatka Maamulka Farmaajo.

Calamada.com

184 total views, 2 views today

Comments are closed.