Weerar Askar Kenyaati Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Mandheera.

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheere oo ka mid ah dhulka dowlada Saliibiyadda Kenya xooga kaga heysata Muslimiinta Somalia waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay weerar dhaliyay khasaara xoogan.

Weerarkan oo ahaa mid dhabba gal ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Kutulo oo ah deegaan hoostaga magaalada Mandheera,waxaa kamiinkaasi loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyadda Kenya.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah ay fuliyeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxeyna Idaacadu xustay in Kamiinkaasi lagu dilay Lix askari Kenyaati ah oo saraakiil ay ku jiraan.

Sidoo kale Andalus waxey intaasi raacisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Kamiinkaasi ay ku gubeen gaari nooca Xamuulka ee sahayda ciidanka qaada kaasi oo qeyb ka ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Kenyaatiga ah ee Kamiinka loo dhigay.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar qorsheysan ku qaadeen Ijaara oo ah deegaan ka tirsan gobalka Gaarisa kaasi oo ay ku dileen askar iyo saraakiil Kenyaati ah ayna ku gubeen Kaniisad iyo xarumo kale oo ay laheed dowlada Saliibiyadda Kenya.

Calamada.com

217 total views, 2 views today

Comments are closed.