Duuliyaal Russian Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed

Wararka ka imaanaya gobolka Xammaah ee bartamaha Suuriya ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay kusoo dhacday diyaarad nuuca dagaalka ah waxaana shilkaas ku dhintay laba duuliye.

Diyaaradda ayaa ku dul dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaradka ah, wasaaradda Difaaca Ruushka waxay xaqiijisay dhimashada labadii duuliye ee diyaaradda la socday balse waxay beenisay in diyaaradda dhulka laga toogtay.

Goobta diyaaraddu ku dhacday meel aan ka fogeyn waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya Nidaamka Bishaar Al-asad iyo xoogaga mucaaradka ah.

Diyaaraddan kusoo dhacay Suuriya ayaa imaanaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Ruushka uu amar ku bixiyay in ladhiso tirada ciidamada ka joogo jiidda dagaalka Suuriya.

75 total views, 2 views today

Comments are closed.