Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Bari gaar ahaan duleedka magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalkaasi.

illaa iyo laba qarax ayaa la sheegay in lala helay ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Galgala, qaraxa koowaad ayaa lala helay gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Daraawiishta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba gaariga xamuulka ah uu burburay waxaana ku dhintay darawalkii kaxaynayay, sidoo kale qarax ayaa daqiiqado kadib lala helay sarkaal sare oo katirsanaa qeybta Miina Baarista maamulka ‘Puntland’.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegtay in sarkaalka dhintay ay Miino ku qaraxyday xilli uu isku dayayay in uu kala furfuro, warar madax banaan ayaa sheegaya in sarkaalka ladilay oo kamid ahaa khubarada walxaha qarxa uqaabilsan maamulka Cabdi Wali Gaas.

Waa Weerarkii ugu horreeyay oo sanadkan billaawga ah ay Al Shabaab ku qaaddo ciidamada maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland kaasi oo wada shaqeyn laleh dowladda Itoobiya iyo sirdoonnada caalamiga ah.

Comments are closed.