Dhageyso R/wasaaraha Maamulka Farmaajo Oo Qiray Iney Lacago Fara Badan Lunsadeen.

R/wasaaraha dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Xasan Cali ayaa qiray in maamulkooda uu ku dhaqaaqay Musuq-maasuq xoogan beena ay tahay iney la dagaalamaan Musuqmaasuqa.

Murtadkan ayaa sidoo kale xaqiijiyay iney Musuqmaasuqeen lacago fara badan oo loogu tala galay in wax loogu qabto goobaha Waxbarasha iyo Isbitaalada ay dadka shacabka leeyihiin.

Qiraalka kasoo yeelay Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Maxamuud Axmed Tarsan oo ah la taliyalaha dhanka Siyaasadda ee Murtad Farmaajo uu xaqiijiyay in dowladooda ay hareereysay daciifnimo iyo musuqmaasuq xoogan.

Sidoo kale dhawaan ayey aheed markii warbaahinta ay ka calaacaleen maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo sheegay in muddo ku dhawaad Toban Bilood ah aysan helin wax Mushaar ah madaxda dowladoodana ay qaab Beeleed si hoose wax isaga siiyaan.

Halkan Ka Dhageyso Qiraalka R.wasaaraha Maamulka Farmaajo.

Calamada.com

238 total views, 1 views today

Comments are closed.