Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Dalka Burkina Faso.

Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso oo ah dal dhaca Galbeedka Qaaradda Africa waxey sheegayaan in gudaha dalkaasi uu ka dhacay weerar lala beegsaday askarta dowlada dalkaasi.

Weerarkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Baraani oo ah deegaan dhaca xadbeenaadka u dhaxeeya dalalka Maali iyo Burkina Faso,iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Saldhiga la weeraray oo ku yaala gudaha dalka Burkina Faso waxaa ku sugnaay oo xarun ay u aheed ciidamada dowlada Burkino Faso gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah Xuduuda dalkaasi uu la wadaago dalka Maali.

Mas’uuliyadda Weerarkan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada U Gargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta oo ah Mujaahidiin taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Bilaadul Magribil Islam.

Bayaan Kasoo Baxay Mujaahidiinta ayna baahisay Mu’asasada Az-zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta Jamaacada U Nusreynta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa lagu cadeeyay in weerarkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsan ciidanka Xuduudaha ee dowlada Burkina Faso.

Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu xusay in ciidamada Mujaahidiinta ee howlgalkaasi fuliyay ay soo laabteen iyagoo Nabad qaba ayna soo furteen Labo Mooto,Hub iyo Rasaas kala duwan.

Calamada.com

173 total views, 1 views today

Comments are closed.