Dhageyso Xog Ku Aadan Qaabka Loo Dilay Xasan Xiir.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,iyadoona dilkaasi loo geystay sarkaal ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidinta Al Shabaab ayaa maanta barqadii gudaha magaalada Boosaaso ku dilays arkaal laba Xidigle ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Xiir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, sarkaalka ladilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Daraawiishta maamulka dowlada Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland.

Sarkaalkan  ayaa u dhintay dhowr xabbadood oo lagu dhuftay waxaana xusid mudan in si nabad galyo ay ku baxsadeen raggii weerarka fuliyay oo ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab.

Maalintii Shalay ayeey aheed markii Labo qarax oo ka dhacday duleedka magaalada Boosaaso dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay u gaarsiga ay ku hayaan saraakiisha iyo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland waxeyna dhowr jeer howgalo Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Halkan Ka Dhageyso Xogta Dilka Xasan Xiir.

Calamada.com

593 total views, 1 views today

Comments are closed.