Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Hurwaa Ee Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen fariisin maleeshiyatka dowlada Ridada ay ka sameysteen dhismaha Warshadii hore Nacnaca ee degmada Hilwaa,iyadoona dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,waxeyna warar hoose sheegayaan in maleeshiyaatka dowlada dagaalkan lagu gaarsiiyay khasaara Nafeed iyo Mid hantiyadeed.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah dowlada Farmaajo iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.