Saraakiil Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobalka Bartamaha Dalka Somalia.

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Galmudug ay dhimasho iyo dhaac ku noqdeen shil gaari oo ka dhacay inta u dhacaysa Gaalkacyo iyo Gallinsoor.

Inkastoo aan la faahfaahin waxa u sababta ah shilkan, ayaa waxaa haddana jira in gaari xawaare sare ku socda oo ay saarnaayeen saraakiil dhanka Sirdoonka ah uu si daran u rogmaday.

Dadka dhintay waxaa kamid ah taliye sare oo ka tirsanaa Nabad sugidda maamulka Galmudug  sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray askar ilaalo ka aheyd gaariga rogmaday, ma ahan markii ugu horraysay oo shil gaari uu ka dhaco deegaanno katirsan gobolka Mudug.

171 total views, 2 views today

Comments are closed.