Saddon Askari Oo Dowlada Kenya Dhimasho Iyo Dhaawac Kaga Noqotay Gobalka Mandheera.

Qarax culus ayaa lala beegsaday Gaari Xamuul ah oo ay la socdeen ciidamada dowlada Saliibiyadda Kenya kuwaasi oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan gobalka Mandheera oo ka mid ah dhulka dowlada Kenya xooga ay kaga heysata Somalia.

Qaraxa ayaa haleelay gaariga Xamuulka ah ee ciidamado ay la socdeen dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay deegaanada ku dhaw goobta qaraxa uu ku dhacay,iyadoona Miinada ay burburisay gaarigii ay haleeshay.

Ugu yaraaan Soddon askari oo Booliska Kenya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi ka dhacay gobalka Mandheera,mas’uuliyadda weerarkan qaraxa ah waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Calamada.com

260 total views, 3 views today

Comments are closed.