Qarax Iyo Weerar Toos Ah Oo Lagu Dilay Askar Ka Tirsan Maamulka Farmaajo.

Weeraro khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaatka dowlada Ridada lagula beegsaday deegaanno iyo degmooyin katirsan gobalka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in weerar maanta barqadii ka dhacay deegaankaas lagu dilay 2 askari oo katirsanaa ciidanka Melleteriga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha usoo galeen deegaanka waxayna toogteen ciidamada oo xilligaas lugaynayay, ragga weerarka fuliyay ayaa horay usii qaatay 2 qori AK47 ah oo ay wateen askarta ladilay.

Dhinaca kale qarax ka dhacay koontaroolka degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada sedax askari sida ay sheegeen dadka deegaanka, isku geynta tirada ciidamada lagu dilay weeraradii maanta sh/hoose ka dhacay ayaa gaartay 5 askari.

222 total views, 1 views today

Comments are closed.