Askar Ka Wada Tirsan Dowlada Oo Diriray.

Maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada waxey ku dagaalameen qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdsho,iaydoona fahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadka.

Maleeshiyaatka Booliska iyo kuwa Ashahaado la dirirka ee isku magacaabay Xasilinta Caasimadda ayaa ku dagaalamay agagaarka Isgoyska Howlwadaag,waxeyna dagaalka isku adeegsadeen hub kala duwan.

Inta la xaqiijiyay Maleeshiyaatka Murtadiinta hal askari ayey iska dileen mid kalane weey iska dhaawaceen,waxeyna warar hoose sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiisha,askarta iyo Mas’uuliyiinta dowlada uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan ama saraakiil iyo xubno kale iska xiraan oo xabsiyada ay dhigaan.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

152 total views, 1 views today

Comments are closed.