Weerar Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Beledweyne.

Wararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in weerar qarax ah uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Beledweyne.

Goob-jooge goobta qaraxa ka agdhawaa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay inuu arkay dhaawaca Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo xilliga qaraxa ku sugnaay goobta isbaarada.

Maleeshiyaatka ku dhaawacmay qaraxa ayaa ah kuwoo dhaawacyadooda culusyihiin waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne,Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Calamada.com

201 total views, 2 views today

Comments are closed.