Qarax Lala Beegsaday Sarkaal Iyo Askar Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax culus waxa uu ka dhacay agagaarka dhismaha Warshadii hore Taraqa Iyo Sigaarka oo ku taala Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Miinada ayaa haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo ay lasocdeen maleeshiyaat iyo sarkaal ka tirsan dowlada Ridada waxeyna Miinada waxyeelo xoogan gaarsiiyay gaariga Cabdi Bilaha ah ee ay haleeshay.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shan Ruux oo isugu jirta sarkaal iyo askar ka tirsan dowlada kuwaasi oo la socday gaariga Cabdi Bilaha ee Miinada ay ku haleeshay agagaarka Warshadii hore Taraqa iyo Sigaarka.

Mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay Muqdisho waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Afar askari oo ka tirsan dowlada Ridada lagu dhaawacay qarax xalay ka dhacay goob isbaaro ah oo ku taala magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Calamada.com

302 total views, 1 views today

Comments are closed.