Dhageyso Xogta Qaraxa Gaariga Looga Gubay Ciidamada Kenya.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ciidamada Kufaarta Kenya kasoo gaartay qarax culus oo lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Kolanyada Saliibiyiinta Kenya ayaa qaraxa lagula beegsaday wadada isku xirta degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Busaar,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo.

Miinada ayaa haleeshay gaari Beebo ah kaasi oo gabi ahaan ay miinada burburisay,sidoo kale qaraxan waxaa Baqti iyo dhaawac ku noqday askartii Kenyaatiga ee la socotay gaariga Beebaha ee miinada ay burburisay.

Diyaarado Elecobtaro ah ayaa soo caga dhigtay goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka daabulay askartii Kenyaatiga ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaasi.waxeyna Kolanyada la weeraray kasoo baxeen degmada Ceelwaaq kuwaasi oo ku sii jeeday Sahay ciidanne u waday askarta Kenyaatiga ee ku go’doonsan deegaanka Buusaar ee isla gobalka Gedo.

Halkan Ka Dhageyso Xogtii Ugu Dambeysay Qaraxa.

Calamada.com

206 total views, 1 views today

Comments are closed.