Dhageyso Somaliland Oo Ku Hanjabtay Iney Dagaal Ku Qabsaneyso Garoowe.

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah gobalka Sool ay ku wada dagaalameen maleeshiyaat kala taabacsan maamul gaaleedyada dowlada Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland iyo Somaliland waxaa la dareemayaa isu hub aruursi ay wadaan labadaasi maamul.

Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah saraakiisha maamulka Somaliland oo ka hadlay dagaalka ka dhacay gobalka Sool waxa uu ku eedeeyay Murtad Farmaajo inuu isaga gadaal ka hurinayo dagaalka dhexmaray maleeshiyaatka Puntladn iyo Somaliland.

Sidoo kae Murtad Faysal Waraabe ayaa ku hanjabay in hadii dagaalka uu sii socday ay xoog ku qabsanayaan degmada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland waxa uu intaasi ku daray ineysan waxbo la aheen qabsashada Garoowe.

Halkan Ka Dhageyso Hanjabaada Faysal Waraabe.

Calamada.com

304 total views, 1 views today

Comments are closed.