Qarax Lagu Dilay Askar American Ah Oo Ka Dhacay Konfurta Afghanistan.

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyadda Mareykanka kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Qandahaar ee Konfurta dalka Afghanistan.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha gobalka Qandahaar halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan.

Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka aaso ee meelaha fog laga hago waxey haleeshay gaari Gaashaaman kaasi oo qeyb ka ahaa gaadiidka ay wateen kolanyad American-ka ee qaraxa lala beegsaday.

Miinada ayaa burburisay gaariga gaashaaman sidoo kale qaraxa waxaa ku baqtiyay guud ahaan askartii American-ka ee lasocotay gaariga ay Miinada burburisay,Mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay askarta Amrican-ka ah waxaa sheegtay Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Calamada.com

110 total views, 3 views today