Qarax Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Ee Gobalka Baay.

Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah degmadaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaara kala duwan.

Qaraxan oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Baydhabo waxaa lala beegsaday saldhiga degmadaasi oo xilliga qaraxa ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.

Wararka laga helayo waxey sheegayaan in qaraxa uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatka Murtad Shariif Sakiin,waxa uu qaraxan imaanayaa xilli weerar dhabba gal ah oo baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen askar Itoobiyaan ah uu ka dhacay duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Calamada.com

243 total views, 2 views today