Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Hilwaa Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu haleelay gaariga guddoomiya ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Huriwaa.

Qaraxa oo ka dhacay kasoo horjeedka Dhismaha Shaneema Cabdi Waayeel ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Ridada uu si dirqi ah uga badbaaday weerarka.

Dad meesha ka ag dhawaa ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda ay isku hareereeyeen meesha uu qaruxu ka dhacay kadibna ay qaadeen gudoomiye ku xigeenka oo ka argagaxsan waxa dhacay.

67 total views, 2 views today