Ganacsato Somali Ah Oo Markale Lagu Weeraray Dalka Konfur Afrika.

Wararka laga helayo dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in markale weerar lala beegsaday Dhalinyaro Somali ah oo qeyb ka ah ganacsatada Somalida ee ku dhaqan dalkaasi.

Weerarkan oo ay fuliyeen kooxo Burcad Konfur Afrikan ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaano ku yaala duleedka magaalada  Cape town ee dalkaasi.

Hal ruux oo ah wiil dhalinyaro Somali ah oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamuud ayeey kooxaha Burcad Konfur Afrikaanta ah dileen waxeyna sidoo kale dhaawaceen Labo kale oo isla ganactsada Somalida ah kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay goobaha caafimaadka.

Soomaalida ku dhaqan dalka Konfur Afrika ayaa si joogta ah ula kulmo weeraro isugu aadan dilal,dhaawac iyo boob Hantiyadeed oo ay kala kulmaan kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah.

Calamada.com

74 total views, 1 views today