Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaara nafeed.

Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lagu aasay goob waqti walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka dowlada Ridada taasi oo ku taala deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka deegaanka Shalambood,xilliga qaraxa waxaa goobta fadhiyay tiro maleeshiyaat ah.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay Afar askari oo ka tirsan Murtadiinta laguna dhaawacay Labo kale oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli isku day dil uu ka badbaaday gudoomiye ku xigeenka maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho xilli gaari uu  lasocday qarax lagula beegsaday gudaha degmadaasi.

Calamada.com

117 total views, 2 views today