Shabaabul Mujaahidiin Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Diif.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal culus ku qaaday deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose,waxa uu deegaanka ka mid yahay deegaanada dhaca xadbeenaadka ay wadaagaan gobalka Jubbada hoose iyo dhulka Kenya ay xooga kaga heysato Somalia.

Dagaalkan oo ahaa mid qorsheysan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen difaacyada iyo fariisinka maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka deegaankaasi.

Dagaalka markii muddo kooban socday waxaa gabi ahaan deegaanka isaga cararay maleeshiyaatkii Murtadiinta ee horay ugu sugnaay deegaanka kuwaasi oo u cararay dhanka Xadbeenaadka.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Diif ee gobalka Jubbada Hoose.

Wararka laga helayo deegaanka Diif waxey sheegayaan iney jirto khasaara culus oo maleeshiyaatka Axmed Madoobe lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay deegaanka.

War kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in gacan ku heynta deegaanka uu dib ugusoo laabtay wilaayada islaamiga Jubbooyinka.

Calamada.com

330 total views, 1 views today