Dagaal Lagu Laayay Askarta Dowlada Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Ceel-geelow oo ku dhaw degmada Balcad,waxa uu dagaalkan yimid kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada oo deegaankaasi u yimid iney ka guraan Geedaha Howdka noqday ee ku hareereysan deegaankaasi.

Dagaalka oo muddo socday waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ugu dambeyntiina maleeshiyaatka dowlada waa lagu jabiyay dagaalka waxeyna u carareen dhanka degmada Balcad oo markii hore ay kasoo baxeen.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan (11) Kow iyo Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo badankooda meydadkooda ay yaalaan goobta dagaalka,waxaa goobtii lagu dagaalamay gacanta ku hayo oo ku sugan ciidamada Xarakada Alshabaab.

Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub kala duwan oo isugu jira qoryaha Noocyada loo yaqaano AK47 iyo PKM,maleeshiyaatka dowlada ayaa degmada Balcad la galay meydadka iyo dhaawacyada askar fara badan oo kuwa dowlada Ridada ah.

Calamada.com

246 total views, 1 views today