Askar Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Weerar loo adeegsaday Madaafiic ayaa lagu garaacay saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud duleedka Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Madaafiicda ayaa gudaha u galay saldhiga maleeshiyaatka Axmed Madoobe ee deegaanka Buulo gaduud waxaa dhawaaqa Jugta madaafiicda si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo dhaca duleedka Kismaayo.

Wararka laga helayo saldhiga Buulo gaduud waxey sheegayaan in madaafiic ku dhacday gudaha saldhiga ay ku dhaawacmeen Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Axmed Madoobe kuwaasi oo dhaawacyadooda culusyihiin islamarkaana loola cararay dhanka isbitaalka magaalada Kismaayo.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay tiro madaafiic ah ku garaaceen xarunta Madaxtooyada dowlada Ridada Farmaajo taasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Toban ka tirsan maleeshiyaatka ilaalada ka ah xaruntaasi.

Calamada.com

160 total views, 1 views today