Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmo Ka Tirsan Gobalka Banaadir.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey Dagaal culus ku qaadeen fariisin Maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo ay ka sameysteen qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay fariisinka iyo isbaarada maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen Biyo dega xaafada Suuqa xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafada badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed ee maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalkan ka dhacay  Biyo dega xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha suuqa Bakaaraha ku dileen askari ka tirsan dowlada Farmaajo kaasi oo dilka kadib ay ka qaateen Qorigii uu ku hubeysnaay.

Sidoo kale Saacadihii lasoo dhaafay waxey Guutada madaafiicda Shabaabul Mujaahidiin tiro madaafiic ah ku garaaceen xarunta madaxtooyada dowladda Ridada ee Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

318 total views, 2 views today