Qarax Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobalka Baay.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Qansaxdheere iyo deegaanada hoostaga ayaa ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lagu aasay goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada oo ku taala gudaha degamda Xilliga qaraxa waxaa goobta fadhiyay tiro ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta ee kabo qaadka u ah Axmaarada duulaanka ku joogta degmadaasi.

Qaraxa markii uu dhacay gabi ahaan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin waxey hawada ka saareen isgaarsiinta degmada taasi oo muujineysa in maleeshiyaatka khasaara culus oo dhimasho iyo dhaawac ah ay kasoo gaartay qaraxa lagula beegsaday gudaha degmadaasi.

Qansaxdheere oo ka tirsan gobalka Baay waxey ka mid ah tahay goobaha sida adag loogu go’doomiyay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah Amxaaradaasi.

Calamada.com

112 total views, 2 views today